BOOSAASO [SMN] – Ciidanka difaaca ee dawladda Puntland ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay hawlgallo muhiim ah ka fuliyeen ceelka Bacool ee togga Miiraale, kuwaas oo lagu baadi goobayo kooxaha argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaya aaggaas.
Hawlgalladaas ayaa natiijo wanaagsan ka soo baxay, waxaana ciidamadu gacanta ku dhigeen lix gaadiid oo buuraha (𝐀𝐖𝐑) ah, kuwaas oo ay isticmaalayeen kooxda argagixisada ee ku dhuumaalaysanaysay Calmiskaad, gaar ahaan deegaanka Miiraale.
Intii hawlgallada ay socdeen, ciidamadu waxay sidoo kale gubeen talisyadii kooxaha argagixisada ee ku yaallay Bacool.
Dhinaca kale, waxay gaareen talisyo ay kooxaha argagixisada ku lahaayeen deegaankaas oo ay duqeeyeen saaxiibadoodii dhanka cirka ka taageerayay hawlgalka, taasoo lagu gaarsiiyay jab xooggan argagixisada.
Ilaa hadda, ciidamadu waxay ka warbixiyeen in aanay jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen kooxda Daacish inta ay socdeen hawlgallada.
Taliskii ugu dambeeyay ee kooxda argagixisada ee ku sugnaa duleedka Miiraale ayaa la sheegay inaysan wax iska caabin ah muujin, taas oo tilmaamaysa in jabka weyn ee ka dhashay dagaalka uu haatan gaaray kooxda Daacish ee Puntland.
Hawlgalladani ayaa loo aqoonsan yahay inay muhiim u yihiin dhamaadka kooxda Daacish ee ku sugan Puntland, iyadoo wajiga 3-aad ee hawlgallada uu u muuqdo mid guul weyn laga gaaray.
Ciidamadu waxay sheegeen in xaaladda guud ee amniga ee gobolka ay sii fiicnaato, waxayna rajeynayaan in howlgalladan ay keenaan guul waarta oo lagu cirib tirayo kooxda Daacish ee ka dagaalameysa Puntland.