Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar oo la kulmay dhiggiisa Soomaaliya

0

QAAHIRA [SMN] – Qaahira – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Qaxoontiga iyo Muwaadiniinta Masaarida ee Dibadda, Dr. Badr Abdelatty, ayaa Arbacadii kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada dhinaca hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Dr. Abdelatty ayaa caddeeyey in Masar ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna si buuxda u taageersan tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, xilli ay dalka ka jiraan caqabado amni oo ba’an. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada la-dagaallanka xagjirnimada iyo argagixisada.

Wasiirka Masar ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay kordhiyaan dadaalladooda lagu wajahayo weerarada argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan gobolka.

Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in la xoojiyo isku-duwidda labada dal ee madalaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, si loo wajaho caqabadaha ka jira Geeska Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa uga mahadceliyey Masar taageerada ay siiso Soomaaliya mar walba, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here