Turkiga oo Shidaal ka baaraya Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa heshiis rasmi ah la saxiixatay Türkiye Petrolleri Anonim Ortaklığı (TPAO), oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Jamhuuriyadda Turkiga si loo sahmiyo ?????? ????? ?? ?????? ?? kuwaas oo ku yaalla Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Heshiiskani wuxuu astaan u yahay dadaallada horumarumarineed ee la taaban karo oo ay dowlada Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo saari lahaa khayraadka dalka. Waqtiga sahminta ayaa si rasmi ah u bilaabanaya maanta oo ay taariikhdu tahay ??-?? ?????? ????.

Hay’adda Batroolka waxay dhawaan isu diyaarinaysaa soo dhoweynta wafdiga ugu horreeya ee injineerrada Turkiga, kuwaas oo hawshooda ugu horreysa noqon doonto inay sameeyaan qiimeyn dhameystiran oo ku aadan xaaladda amniga, kahor inta aan la bilaabin hawlaha sahanka ee dhulka.

Waxaa xusid mudan in tani ay tahay markii ugu horreysay tan iyo 1985kii oo la sameeyo sahaminta shidaalka dhulka guud ahaan Soomaaliya, wexeyna calaamad u tahay dadaalada lagu horumarinaayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed waxay aaminsan tahay in iskaashigan istiraatiijiga ah uu xoojin doono amniga gudaha iyo kan gobolka, abuuri doono fursado shaqo iyo kobac dhaqaale oo ay bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideystaan, iyadoo Hay’addu kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed waxaa ka go’an, una taagan tahay, in ay si hufan u nidaamiso, u horumariso ugana faa’iideyso kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara oo ay ummadda Soomaaliyeed wada gaaraan mustaqbalka dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here