LAASCAANOOD (SMN) – Wufuud kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku qul qulayay magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool halkaasi oo lagu wado in maalinta barita ah uu gaaro Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray laasacaanood halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Amniga magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo awaamiir amni ay soo saartay wasaaradda amniga maamulka Khaatumo.
War kasoo baxay Wasaaradda amniga Khaatumo ayaa lagu sheegay in Hubka oo ay ugu yartahay Tooreeyda laga mamnuucay in lagu dhex wato gudaha magaalada, waxa kaliya la ogolyahay hubka ay wataan ciidamada amniga Sugaya.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay in gaadiidka nooca loo yaqaano bajaajta aysan mari Karin wadada faras magaalaha ee dhexmarta magaalada Laasacaanood ee xarunta SSC Khaatumo
Magaalada ayaa la ciir ciiraysa wufuud kala duwan oo siyaaba kala gadisan u gaaray halkaasi.
Dhinaca kale war kasoo baxay Somaliland ayaa lagu cambaareeyay safarka la qorsheeyay ee RW Xamse uu ku tagi doono magaalada Laasacaanood
War saxadeed Ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa lagu cambaareeyay safarka la qorsheeyay in Raisal Waaaaraha Soomaliya Ku yimaado magaalada Laascaanood.
Somaliland ayaa Ku tilmaantay safarkaasi in uu horseedayo xasarado iyo amni daro Ka dhacda gobolka iyada ugu baaqaday Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya amniga in ay u aqoonsadaan safarkaasi mid lid Ku ah nabada iyo amniga gobolka.
Somaliland ayaa dhanka kale xustay in ay qaadayso talaabooyin ay Ku difaacayso Madaxbanaanideeda iyo amnigeeda sida lagu xusay warsaxaafadeedka.
Si kastaba Magaalada Laasacaanood oo horay looga saaray ciidamada Somaliland oo muda badan ku sugnaa ayaa haatan waxa aku xardhan Calanka Soomaaliya iyada oo riman Booqasho Taariikhi ah u uku tagayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.




