Meydka Jeneral Sheegow oo lagu aasay duleedka Jowhar, HirShabelle State

0

JOWHAR (SMN) – Meydka AUN Janaraal Sheegoow Axmed Cali ayaa lagu aasay deegaan lagu magacaabo Baqdaad oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle halkaasi oo la sheegay in ay tahay Halkii u uku dhashay Sheegoow.

 

Sheegoow oo la rumaysanyahay in muda badan uu u taagnaa mideenta Beesha uu kasoo jeedo iyo in ay tala ku yeeshaan miiska siyaasada ee Soomaaliya ayaa dhintay isaga oo Maxbuus ahaa kuna jira sanadaha dhameesashada xukunka.

Waxaa maalinba maalinta ay u dhiibto waxaa ugu dambeen Meydkiisa laga soo galbiyay Isbitaalka Digfeer oo mudo uu ku xanuunsanayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay sheegoow kadib markii ay fooda isdareen ciidamo daacad u aha iyo ciidamada amaanka dowladda, Maxkamad ayaa lasoo taagay, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Kumanaan ruux oo galbinaya Meydkiisa ayaa soco kusoo maray inta u dhaxaysa Isbitaalka Digfeer ilaa garoonka Diyaaradaha oo looga sii gudbiyay magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabelada Dhexe halkaas oo safar dhulka ah loogu sii qaaday deegaankii u uku dhashay ee Baqdaad.

Kumanaan dadyw ah oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa mar kale halkaasi meedkiisa kasii galbiyay waxaana aaskiisa ay qaadatay saacado kadib markii laga dajiyay gobolka Shabelada dhexe, waxaana ay u muuqatay sabarsiinta dadkii uu kasoo jeeday Sheegoow.

Galbinta meydka Sheegoow ayaa xitaa sababtay shaqaaqo dhex martay ciidamada amaanka iyo sidoo kale askar lasoctay meydkiisa

Wasiirka Caafimaadka XFS oo si hordhac ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaqaatiirta isbitaalka ay u sheegeen inuuu u dhintay xanuun dhinaca Beerka oo in muda ah la daalaa dhacayay kaasi oo keenay in beerkiisa uu shaqada gabo, waxaana u uku tilmaamay cagaarshowga noociisa B.

Siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeedo sheegoow qaarkood ayaa sheegay in tuhun uu jiro kaasi oo ku gedaaman geerida Sheegoow inkastoo Dowladda ay kuwareejisay meedka Sheegoow reerkiisa.

Si kastaba Janaraal Sheegoow waa uu dhintay dadkiisana waxaa ka muuqata cara xoog leh waayo waxa ay waayeen ruux ka talinayay aayohooda, Midnimadooda islamarkaana ay u arkayeen geesigooda.

Hadaba Maxay tahay doorka Dowladda kaga aadan Kiiskan iyo in ay ku qanciso dadkiisa?

Guydoomiyaha axkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo Heerarka uu soo maray kiiska Sheegoow marka la eego dhinaca caafimaadkiisa, waxaana uu tilmaamay in dowladu ay sameesay intii karaankeeda ah isaga oo soo bandhigay waraaqado cadeeeyn ah.

Hadaba Beesha uu kasoo jeedoay Sheegoow ma ku filaan doontaa natiijada Kiiska Sheegoow iyo sida dowladu ay sheegtay in ay u maareesay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here