Muqdisho, 17 Abriil 2025: Xalay fiidkii, waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga fuliyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), si looga hortago khatarta Al-Shabaab.
Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.





