MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dileen in ka badan 35 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, howlgal ka dhacay deegaanka Baay Burjeed, oo ku yaalla qiyaastii 15km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo.
Howlgalka ayaa la fuliyay kadib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxda ay qorsheynayeen weerar. Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay taliyayaal sare oo kamid ah kooxda, ay ku jiro sarkaal ajnabi ah oo hoggaaminayay unugga la beegsaday.
Inta la xaqiijiyay, in ka badan 60 xubnood ayaa ku dhaawacmay dagaalka, iyadoo la helay meydadka ugu yaraan 18 xubnood oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sare. Ciidamada ayaa weli wada howlgallo lagu baadi-goobayo xubno kale oo baxsaday.
Mas’uuliyiinta ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul weyn ah oo dhabar-jab ku ah Al-Shabaab, iyaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee shacabka deegaanka ay ka qaateen sidii uu u hirgali lahaa.




