Xildhibaan Cismaan Cali oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u midowda dagaalka lagula jiro Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.
Wuxuu sheegay in labadan koox ay halis ku yihiin jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona xusay in madaxda dalka looga baahan yahay in ay u jiheestaan ciribtirkooda.
Mudanahan oo ka soo jeeda degaannada Puntland, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay garab istaagto Ciidanka Maamulka Puntland oo dagaal xooggan kula jira Kooxda Daacish.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in taageerida Dowladda Federaalka ay lagama maarmaan u tahay in Kooxda Daacish laga xorreeyo Degaannada Maamulka Puntland.
Ciidanka Maamulka Puntland ayaa guulo ka soo hooyay dagaalka kala dhexeeya Kooxda Daacish, waxaana xusid mudan in ay dib u qabsadeen degaanno dhowr ah oo markii hore ay maamulayeen Kooxda.
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo uu xoogeystay khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Maamulka Puntland, tan markii wax ka beddel lagu sameeyay qodobo ka mid ah Dastuurka dalka.




