Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Taliska CXD?

0

Kulamo looga hadlayay dib u qabsashada Al Shabaab ee Degmada Aadan Yabaal ayaa xalay wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Yusuf Odawaa Raage.

 

Kulamadan oo ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa diirada lagu saaray waxa keenay in Al Shabaab ay si fudud ku qabsadaan Aadan Yabaal, halkaasi oo Ciidanka Xoogga ay ka qaadi jireen howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa ugu horeyn madaxweynaha uga warbixiyay halka uu marayo dagaalka lagula jiro Kooxda Al Shabaab ee Gobolada Sh.Dhexe iyo Hiiraan iyo sidii Al Shabaab looga saari la’ahaa labadaasi Gobol.

Sida ilo wareedyo ay u sheegeen Idaacadda Shabelle, Madaxweynaha ayaa la wadaagay Saraakiisha Ciidanka in aysan u cuntameyn in Al Shabab ku sii nagaadaan Degmada Aadan Yabaal oo qiyaas 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu faray hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka in ay qaadaan howlgallo markale Al Shabaab looga saarayo Degmada Aadan Yabaal iyo degaanada kale ay ku sugan yihiinba.

Madaxweynaha ayaa sida la tilmaamay ku canaantay hoggaanka Taliska Ciidanka Xoogga in ay mas’uuliyad ka saaran dagaalka Al Shabab, isagoona ka dalbaday in Degmada Aadan Yabaal lagu soo celiyo gacanta Dowladda.

Si-kastaba, Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayso Gobollada Hiiraan iyo Sh.Dhexe tan iyo bishii la soo dhaafay, iyagoona haatan la wareegtay gacan ku heynta degaano iyo degmooyin dhaca labada Gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here