Muqdisho (SMN)–Dibloomaasiga Mareykanka ee hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanaa Afrika, Tibor Nagy, ayaa si kulul u weeraray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, isagoo ku eedeeyay inuu “qaniinayo gacanta badbaadineysa dalkiisa.”
Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Wasiir Fiqi uu markale ku kacay eedeyn aan sal iyo raad lahayn, isagoo markan ku eedeeyay madaxa ciidamada Midowga Afrika ee sugaya amniga Muqdisho – in uu taageero Al-Shabaab.
“Sidee bay u suurta gal tahay in la aflagaadeeyo cidda ugu muhiimsan ee ilaashaneysa amniga caasimadda, iyadoo lagu eedeynayo inay la safan tahay Al-Shabaab?” ayuu yiri Tibor Nagy.
“Yaa runti u adeegaya danaha Shabaab – ciidanka amniga ama qof eedeymo aan sal lahayn la yimid?”, ayuu hadalkiisa raaciyay.
Eedeyntan ayaa imaaneysa xilli ciidamada AUSSOM ay dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab, kana taageerayaan dowladda Soomaaliya dadaallada lagu xoreynayo dalka. Waxaa loo arkaa hadalka Fiqi inuu wiiqayo xiriirka muhiimka ah ee Soomaaliya la leedahay ciidamada caalamiga ah ee ammaanka sugaya.
Ilaa hadda, Wasiir Fiqi kama uusan jawaabin hadalka Tibor Nagy.




