RW Xamsa oo farriin u diray dhiggiisa cusub ee Serbia

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Cusub ee dalka Serbia, Đuro Macut, iyo Golahiisa Wasaaradda.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri, “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo kan shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan hambalyo heer Qaran ah u gudbinayaa  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan saaxiibada nahay ee Serbia”.

Mudane Xamse ayaa sheegay in hoggaaminta Đuro Macut ay ku soo aaday wakhti muhiim ah, isagoona u rajeeyay in ay si wanaagsan u gudan doontaan shaqadda la idin xilsaaray.

Soomaaliya ayaa aad ula dhacsan iskaashiga sii kordhaya ee ay la leedahay Serbia, iyadoona dhexda u xiratay sidii loo xoojin la’haa xiriirka saaxiibtinimo iyo midka iskaashiga ku dhisan ee kala dhexeeya Serbia.

Tan iyo markii dib loo furay Safaarada Soomaaliya ee uu hoggaankeeduna uu la wareegay Maxamed Cabdullaahi Axmed, waxaa dib u soo noolaaday xiriirka diblomaasi ee ka dhaxeeya labada dal.

Xiriirka labada dhinac ayaa saldhig u noqday is ixtiraam iyo iskaashi, iyadona diirada la saarayo Dhaqdhaqaaqa iyo Isbaheysiga Siyaasadda Caalamka ee Dhexdhexaad ah, kuna dhisan ilaalinta Qawaaniinta Dunidda, waxaana haatan labada dowladood hiigsanaynaan kobcinta Nabadda, Horumarka, wax-wadaqabsiga iyo wadajirka Ummadaha Dhexdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here