Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshaha uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ku doonayo in uu ku dhiso hay’adda aqoonsiga Puntland ee ((PID) maadaama uu caqabad ku noqonayo hay’adda qaran ee NIRA oo howshan loo igmaday.
Wasaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimha Guddaha ee Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in tallaabada uu qaaday Deni ay tahay mid baalmarsan sharruucda dowladnimada.
Wasaaradda ayaa ku eedeysay Madaxweyne Dani in uu ku kacay xadgudub qaran, iyadoona shaacisay in Dani uu doonayo in uu carqaladeynayo aqoonsiga qaran ee dowladda fedaraalka maadaama uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Halkan ka akhriso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Guddaha




