Baarlamaanka Azerbaijan ayaa ansixiyay “Heshiiska iskaashiga dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca” oo u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Trend.
Sida laga soo xigtay xogta, arrintan ayaa looga dooday kalfadhiga guud ee Baarlamaanka Azerbaijan 22-ka Abriil.
Sharciga la xiriira ansixinta Heshiiska u dhexeeya labada Dowladdood ayaa loo qaaday cod, waxaana la meel mariyay akhrintiisii ugu horreysay.
Heshiiskan ayaa la saxiixay 12-ka Febraayo, 2025, magaalada Baku. Ujeedada heshiisku waa in la abuuro xeer sharciyeed rasmi ah oo labada dhinac uga wada shaqeyn karaan arrimaha la xiriira difaaca iyo warshadaha milateriga.
Waxaa heshiiskan uu dhigayaa in labada dhinac ay fulin doonaan qodobada heshiiska iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalkooda, islamarkaana la isku raacay in iskaashigan uusan ka dhan ahayn dhinac saddexaad.
Heshiisku wuxuu ka kooban yahay 20 qodob, waxaana ku jira iskaashi wadajir ah oo la xiriira difaaca iyo amniga milateriga, howlgalka nabad ilaalinta, booqashooyinka is-dhaafka ah iyo is-weydaarsiga khibradaha, tababarka iyo waxbarashada milateriga, warshadaha difaaca iyo teknoolojiyadda, iyo kuwo kale.



