Waxaa Magaalada Kampala ee Dalka Uganda isugu yimid mas’uuliyiin sare iyo wafuud ka socday dalalka ciidamadooda ka qeyb qaadanaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan “AUSSOM”.
Shirkan ayaa horudhac u ah shir-madaxeed gaar ah oo diiradda lagu saarayo qiimeynta dadaallada socda iyo dejinta istaraatijiyadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wuxuu daba socdaa shirkan booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhawaan ku tegay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Danjire John Mugerwa, oo matalayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, ayaa furitaanka shirka ayaa sharraxay muhiimada uu leeyahay kulankan, maadaama howlgalka AUSSOM uu haatan ku jiro wejigii ugu horreeyay.
Wuxuu sheegay in howlgalkan uu diiradda saarayo dib-u-habeynta ciidamada iyo goobaha muhiimka ah ee ay hayaan ciidamadu in lagu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaasi oo la wareegaya mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa xusay in guusha AUSSOM ay ku xiran tahay kartida Soomaaliya ee dhismaha iyo diyaarinta ciidamada amniga qaran, isagoo sheegay in arrintani ku dhisan tahay soo saarista ciidamo, mideynta, tababaridda, iyo diyaar garowgooda.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Danjiraha cambaareeyay in Al Shabab ay kordhisay weeraradeeda, wuxuuna ammaan u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saaxiibada caalamka ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
“Waa in aanan u oggolaanin Al-Shabaab inay guuleystaan,” ayuu yiri. “Shirkan wuxuu noo yahay fursad muhiim ah oo aan ku xallin karno caqabadaha hawlgalka oo aan dejin karno jihada istiraatiijiyadeed ee aan ku dhaqaaqeyno.”
Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa baaq u diray beesha caalamka si loo xoojiyo taageerada maaliyadeed iyo tan saadka, isagoona u mahadceliyay Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee gacan ka geysanaya taageerada howlgalka.




