Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay weerar dhowaan Al Shabaab ay ku qaadeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe oo qiyaas ahaan 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dacaayado uu sheegay in Al Shabaab ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay in Ciidanka ay tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan magaalooyinka qaar, taasna aysan macneheedu aheyn in laga adkaaday, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba si ay uga guuleystaan Al Shabaab.
“Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne hore Farmaajo.
Dhinaca kale, wuxuu ku booriyay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka.
Farmaajo ayaa sidoo kale ku dhiira-geliyay beesha caalamka in ay xoojiyaan taageeradooda iyo garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si buu yiri looga guuleysto Kooxda Al Shabaab.
Hadalka Madaxweynihii hore ayaa imaanaya iyadoo dhowaan Al Shabaab ay qabsadeen Degmada Aadan Yabaal iyo Degaao kale oo dhaca Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.




