Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Dagaalkan oo ahaa mid u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Macawisley oo isku dhinac ah iyo Kooxda Al Shabaab ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa Deegaaanda Aboorey iyo Yosooman ee Gobolka Hiiraan.

 

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dagaal yahanada Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawisleyda, waxaana labada dhinac isugu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay iska-horimaadkan, inkastoo aan si dhib ah loo ogeyn halka uu tirada dhabta ah.

Saraakiisha Ciidanka qaarkood ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen Dagaal yahanada Al Shabab.

Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan dagaalkan.

Ilo madax-banaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in dagaal yahanada Al Shabaab ay kaabiga ku hayaan Magaalooyinka Mokoqori iyo Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyay, labada dhinac ayaa ku hardamayay gacan ku haynta Degaanka Abooreey oo 20-km u jirta Degmada Buulo-Burde, waxaana degaanka haatan ku sugan Kooxda Al Shabaab.

Xogo ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay awooddeeda ciidan isugu geysay Gobollada Hiiraan iyo Sh.Dhexe si Al Shabaab looga saaro degaannada ay halkaasi ka maamulayaan.

Dhowaan ayay ahayd markii Kooxda Al Shabaab ay dib u qabsatay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe oo qiyaas ahaan 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here