Xildhibaanadii ugu badnaa oo mooshin ka wada Aadan Madoobe

0

Xildhibaanadii ugu badnaa ee Golaha Shacabka ayaa wada mooshin ay xilka uga qaadayaan Gudoonka Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, kadib markii lagu eedeeyay in uu ku xadgubay xeer hoosaadyada Golaha Shacabka.

 

Mooshinkan ayaa soo ifbaxay kulankii ugu dambeeyay baarlamaanka kaasi oo xirmay fowdo ay sameeyeen Xildhibaanada ka gadaal markii Guddoomiye Aadan Madoobe uu ku adkeystay go’aankii uu xasaanada uga qaaday Xildhibaan Abiib.

Maxamed Deeq Fiyoore oo ka mid ah mudaneyaasha Golasha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanadii ugu badnaa ay wadaa mooshinkan, islamarkaana ay iska hor wareejiyaan Guddoomiye Aadan Madoobe maadaama uu dhaga ka fureystay codsiyadooda.

Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha uu ka caga jiidayo in uu soo xaadiro iyadoo xusid mudan in labadii maalmood ee ugu dambeysay uusan wax kulan ah yeelan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Fiyoore ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay in ay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, wuxuuna ku hanjabay in Aadan Madoobe uu dhowaan la mid noqon doono Xildhibanada kale ee Golaha Shacabka.

Si-kastaba, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa diiday qabashada mooshinkan, isagoona ku tilmaamay mid baalmarsan sharuucda iyo xeer hoosaadyada Golaha Shacabka, wuxuuna cod dheer ku sheegay in uusan marna aqblay mooshin wax u dhimaya sharuucda Golaha ee uu isagu u hayo hoggaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here