Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar saaka ay Al Shabaab ku soo qaadeen Degaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Sh.Dhexe.
Taliska ayaa sheegaya in weerarkii saaka oo ku bilowday qaraxyo islamarkaana uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidanka Xoogga iyo kuwa Al Shabaab, waxaana ay sheegeen in cagta la mariyay dagaal yahanada Al Shabaab.
Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Maxamed Ibraahim Intarfeer ayaa beeniyay in degaanka ay qabsadeen ururka Al Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in haatan halkaasi ay ku sugan yihiin isaga iyo ciidankiisa.
Wuxuu Abaanduulaha tilmaamay in inay cashir u dhigeen Al-Shabaabkii soo qaaday weerarka, aysan ka difaaceen degaanka, isagoona xusay in meydadaka xubnihii Al Shabaab uu meesha daadsan yahay.
Muuqaal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa muujinayay Abaaduulaha iyo Ciidankiisa oo ku sugan taalada Wargaadhi, taasi oo meesha ka saareysa wararka la xiriira in Al Shabaab ay la wareegeen Degaanka kadib weerarkii saaka.
“Halkan aan idin kala hadleyno waa Wargaadhi. Waxaa ku sugan Ciidanka Xoogga iyo kuwa Macawisley, waana iska caabinay weerarkii Al Shabaab. Wax ka jira malahan in degaanka la qabsaday”, sidaasi ayuu yiri Abaanduulaha.
Dhinaca kale, Warbaahinta Dowladda ayaa beehisay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 40 dagaal yahan oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, islamarkaana Ciidanka ay ku jiraan howlgal lagu baacsanayo haraadiga raggii soo qaaday weerarka.
Hadalka Abaaduule Maxamed ayaa imaanaya wax yar un kadib markii Al Shabaab ay sheegteen in qabsadeen Degaanka Wargaadhi intii uu socday weerarkii ay halkaasi saaka ku qaadeen. Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka ay ku qabsadeen hub, aysan khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga Dalka.




