SAWIRRO: Guddoomiyaha SoDMA oo booqday Isbitaalka CXD

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Agaasimaha Caafimaadka Hay’adda SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdishu.

 

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa la kulmay Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, Saadaam Cabdullaahi Cismaan, iyagoona ka wada hadlay xaaladda caafimaad Ciidanka lagu daweynayo Isbitaalka.

Kulanka kadib wuxuu Guudoomiyaha booqday askarta lagu dabiibayo Isbitaalka, gaar ahaan kuwii shalay ku soo dhaawacmay dagaal ay Al Shabab kula galeen Degaannada Wargaadhi iyo Labi-goley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa maamulka Isbitaalka ku wareejiyay daawooyinka gargaarka deg-degga ah iyo gaari nuuca gurmadka si loogu adeeego ciidanka qaranka ee u taagan dib u xorreynta dalka.

Gudoomiye Maxamuud ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka Al Shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu ballan qaaday xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku howlan ciribtirka Al Shabaab iyo dib u soo celinta xasiloonida Soomaaliya.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here