Shan dal oo ka tirsan kuwa ciidamadooda ku biiriyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in loo baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si wax looga qabto xaaladda amni ee dalka.
Dalabkan ciidankan dheeraadka ah ayaa lagu sheegay mid looga hortagayo in meesha ka baxdo guulihii laga gaaray dagaalka Al Shabaab.
Howlgalka AUSSOM ayaa loo qorsheeyay markii hore ciidamadan tiro ahaan gaaraya 11,900 balse dalabkan ayaa ka dhigi doona tirada guud ee ciidan in ka badan 19 kun oo askari, kuwaasi oo ka howlgalla dalka Soomaaliya.
Dalalkaasi waxay sidoo kale soo bandhigay qorshe fursad siinya dalalka sida Turkiga inay ciidamo keensadaan Soomaaliya si loo xoojiyo howlgalka AUSSOM.
Soomaaliya haatan waxaa ku sugan Ciidamo ka soo jeeda dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, Jabuuti iyo Masar oo iyana loo oggolaaday in ay qeyb ka noqoto howlgalka AUSSOM halka Burundi uu la bixi doono ciidankiisa sabab la xiriirta khilaaf kala dhexeeya Soomaaliya.
Dalabkan ku aadan ciidamada dheeraadka ayaa yimid kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxda Soomaaliya iyo kuwa ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howlgaka AUSSOM, kaasi oo shalay ka dhacay Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.




