Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, una dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Macawisley iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

 

Dagaalkan ayaa qarxay gelinkii dambe ee shalay kadib markii Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawisley ay weerar ku qaadeen dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab oo isku uruursanayay inta u dhaxeyso Degaanadda Aboorey iyo Yasooman ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in dagaalka ay ku awood roonaadeen islamarkaana ay khasaaro kala duwan gaarsiiyeen Ururka Al Shabaab

Waxay tilmaameen in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab inta gacanta dowladda lagu soo celinayo degaannada ay haatan ka maamulayaan Gobolka Hiiraan.

Degaannada Aboorey iyo Yasoom ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Kooxda Al Shabaab, iyadoona xusid muudan in Kooxda ay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso xarumaha Ciidan ee ku yaalla Gobolka Sh.Dhexe iyo Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here