Jubaland oo diiday qaadashada kaarka aqoonsiga Qaranka

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn Hay’adda NIRA oo bixsa kaarka aqoonsiga Qaranka, iyadoona go’aankan uu la mid yahay mid ay horey u qaadatay maamulka Puntland.

 

Bayaanka Wasaaradda waxaa lagu sheegay in Maamulka Jubaland uusan aqoonsaneyn wax loogu yeero kaarka Aqoonsiga Qaranka, waxaana ay sheegtay in aanu jirin sharciyad rasmi ah oo lagu meelmariyay nidaamka qaadasha kaarkan.

Qoraalkan Wasaaradda ayaa sidoo kale looga dalbaday bulshada in aysan ka qayb qaadan falal kasta oo ka hor imaanaya shuruucda u degsan maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn, Jubaland ayaa noqoneysa Maamul Goboleedkii labaad oo Hay’adda NIRA ka mamnuuca degaannadiisa, sababo la xiriira xiisad siyaasadeed oo kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here