Wafdi ka socda Ruushka oo kulamo ka wada Muqdisho

0

Waxaa Maagalada Muqdisho kulamo ka wada Mikhail Bogdanov, oo ah Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika.

 

Wafdigan uu hoggaamiyo Mikhail Bogdanov ayaa shalay waxaa Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira diblomaasiyadda, aminiga Gobolka, ganacsiga iyo isku xirka bulshada labada dal.

Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in ballaariyaan iskaashiga u dhaxeeya si loo horumariyo danaha labada dowladood iyo shucuubtooda.

Wafdiga uu hoggaaminayo Mikhail Bogdanov ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxda ugu sarreysa dalka, isagoona sida la sheegay la wadaagi doona farriin uu ka sido Vladimir Putin oo ah Madaxweynaha dalka Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here