Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay heshiiskii shidaal qodista ee dhowaan lala galay Dowladda Turkiga, wuxuuna ku tilmaamay heshiiska in uu yahay mid dano wadaag, kadib markii dhaliil la xiriirta heshiiskan uu qabsaday baraha bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in horey Soomaaliya aysan cidna ugala hadal arrimaha saliida iyo gaaska ku jira dalka, ayna tahay markii ugu horreysay taariikhda ee baaris lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya.
“Waxaa shidaal baaristu haatan ka socotaa meelaha ka baxsan xeebaha, haddana waxaan saxiixnay heshiis kale oo shidaal looga baarayo dhanka xeebaha, taas micanheeda maaha in fursadda keliya la siiyaya Turkiga balse dal aan isagu aheyn oo na dalbaday majiro”, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Turkiag aan lala barbardhigo karin dalalka imaan doonaan tobanaan sano kadib maadaama Turkiga uu yahay dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirada in shidaal uu ka soo saaro Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale ammaanay xiriirka kala dhaxeeya Turkiga, isagoona carabka ku adkeeyay Turkiga yahay dalka keliya ee gacan dhex dhexaadin u fidiya Soomaaliya markii ay dal kale oo daris ah is qabtaan.
Hadal heynta heshiiskan shidaal ee u dhaxeeya labada dal ayaa soo baxay kadib markii Waregyeska Nordic uu baahiyay nuqul ka mid ah heshiiska labada dhinac, kaasi uu u dhignaa in 90% dhaqaalaha ka soo xarooda shidaalka uu qaadan doono Turkiga, halka Soomaaliya keliya loo oggolaaday 5%.
Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood oo war soo saaray ayaa ku tilmaamay heshiiska mid lagu boobayo kheyraadka Soomaaliya, waxaana ay ka dalbadeen Dowladda Federaalka in ay faah faahin ka bixiso nuuca heshiis ee lala galay Turkiga.
Si-kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sixiixday in Turkiga qaadan doono 90% dhaqaalaha ka soo xarooda shidaalka si uu marka hore u ceshto dhaqaalaha ugu baxay shidaal qodista iyo soo saarista, intaas kadibna ay Soomaaliya maamulan doonto shidaalkeeda.




