Maleeshiyaadka Daacish oo ku dagaalamay Gobolka Bari

0

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in maleeshiyaad ka wada tirsan Kooxda Daacish ayaa maanta ka dhacay Buuraha Cali Miskad ee Gobolka Bari.

 

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan Daacish oo Soomaali ah ay isku dayeen in ay baxsadaan islamarkaana isku dhiibaan Ciidanka Maamulka Puntland, maadaama dagaal culus uu ku socdo Kooxda.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkan oo qaatay muddo hal saac uu geystay khasaaro nafeed iy mid hanti, inkastoo aysan cayimin halka uu la egyahay.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya xubaha Daacish taasi oo ku aadan haddii ay hubka dhigayaan ama ay wadayaan dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Maamulka Puntland.

Kooxda Daacish ayaa dhul aad u ballaaran ku weysay howlgalka Hilaac oo ka socda Buuraha Cali Miskad ee Gobolka Bari, waxaana sidoo kale Kooxda ku socda duqeymo diyaaradeed oo si joogto ah ay fuliyeen Dowladdaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here