Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay in xirtay Golaha Shacabka

0

In ka badan 100 Xildhibaan oo shirk u yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay xarunta Golaha Shacabka uu u xaran yahay Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Nuur Madoobe.

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu diidan yahay in uu furo xarunta Golaha, islamarkaana la yeesho kal-fadhiga lixaad ee Golaha Shacabka.

Wuxuu Xildhibaanka intaasi ku daray in Aadan Madoobe uu ka cabsi qabo in xil ka qaadis lagu sameeyo, maadaama mooshin ay ka keenaa Xildhibaanada baarlamaanka.

Mudane Daahir ayaa cod dheer ku sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe ay ku kala bixi doonaan sharciga, wuxuuna qeexay in Guddomyaha uu ku tuntay sharuucda Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdow oo isna ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa ku hanjabay in ay dooran doonaan guddoomiye cusub hadii Aadan Madoobe uu furi waayo kal-fadhiga lixaad ee Golaha.

Mooshinkan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu xasaanada ka qaaday Xildhibaan Abiib, kaasi oo uu ku eedeeyay in uu soo xaadiri waayay kulamada Golaha Shacabka.

Lama ogga halka ay ku dambeyn doonto xiisada soo jiitamaysa labadii todobaad ee ugu dambeysay, waxaana xildhibaanada ay bulshada iyo Beesha Caalamkaba u caddeeyeen in Golaha uu u xiran yahay Aaadan Madoobe, Xildhibaanadan aysan wax lug ah ku laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here