QAAHIRA – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay xasiloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga Geeska Afrika xili uu Taleefonka kula hadlayay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar maanta ayaa lagu sheegay in Abdelatty ugu hambalyeeyay Cabdisalaan magacaabistiisa, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleyso mas’uuliyadda xilka cusub.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho si sare loogu qaado xasiloonida iyo horumarka gobolka.
Waxay sidoo kale adkeeyeen baahida loo qabo wadatashiga joogtada ah ee Arrimaha gobollada iyo caalamiga ah si loo xalliyo caqabadaha wadajirka ah.
Abdelatty ayaa mar kale caddeeyay balan-qaadka Masar ee ku aaddan midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudda Soomaaliya, isagoo sidoo kale ballanqaaday taageero joogto ah oo la xiriirta la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada ee Soomaaliya.
Dhinaca xiriirka labada dal, Abdelatty ayaa tilmaamay xiriirka qoto dheer ee ka dhexeeya labada dal, kaasoo loo badalay iskaashi istiraatijiyadeed kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Masar bishii Janaayo.
Wasiir Cabdisalaan ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah iyo doorkeeda muhiimka ah ee hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika iyo dadaallada kale ee lagu xoojinayo xasiloonida Soomaaliya.



