Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka Fuliyay Deegaanka Ciid-Ciidka, Shabeellaha Dhexe

0

MAHADAAY, Soomaaliya [SMN] – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, iyagoo kaashanaya dagaalyahannada deegaanka, ayaa howlgallo guul leh ka fuliyay aagga Ciid-Ciidka ee degmada Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalka ayaa la sheegay inuu ku guuleystay in lagu burburiyo goobihii ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ay jirto khasaare culus oo soo gaadhay kooxdaas.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale burburiyay qaar ka mid ah saldhigyada Al-Shabaab, iyadoo ay bilaabeen inay xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaanka. Tallaabooyinkan waxaa loogu talagalay in lagu soo celiyo xasilloonida gobolka Shabeellaha Dhexe, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen weeraro iyo falal amni-darro ah oo ay fuliyeen Al-Shabaab.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si aad ah loo qorsheeyay, isla markaana lagu xoojiyay wada-shaqeynta ciidamada xoogga dalka iyo macawiisleyda deegaanka. Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay ka bixiyeen aagga, kadib markii ay la kulmeen weerarro adag oo lagu qaadey hideyadooda iyo xarumahooda.

“Ciidamadeenu waxay guulo waaweyn ka gaareen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka gobolka. Al-Shabaab waxay ku jiraan xaalad adag oo aan awoodin inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah shacabka,” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyay aagga Ciid-Ciidka uu qayb ka yahay qorshaha guud ee dowladda ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa la filayaa in howlgalada kale ee nadiifinta iyo la dagaalanka Al-Shabaab ay sii socdaan si loo xoojiyo nabadgelyada iyo amniga guud ee gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ballanqaaday inay sii wadi doonto taageerada dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada ay ka socoto xasilooni darro, si loo xaqiijiyo in dadweynaha ay helaan nolol nabad ah oo ka xor ah khataraha iyo falalka amni-darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here