MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga go’an tahay horumarinta waxsoosaarka gudaha, si loo gaaro isku filnaansho cunto iyo koboc dhaqaale oo waara.
Hadalkaan ayaa ka mid ahaa khudbadda uu ka jeediyay daahfurka Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha hortaagan horumarka waxsoosaarka dalka, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay fursadaha maalgashi ee ku jira dhinacyada beeraha iyo cunnada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay si dhab ah u maalgashadaan dhulka iyo waxsoosaarka beeraha, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta badeecooyinka dibadda laga keeno.
“Waxa aan rabnaa in aan ka maaranno cuntooyinka la soo dhoofiyo, iyadoo aan haysanno dhul iyo dad u diyaarsan waxsoosaarka gudaha,” ayuu yiri Mudane Xamsa.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno ka dhageystay dhallinyaro Soomaaliyeed oo madasha shirweynaha kusoo bandhigay hal-abuurro la xiriira beeraha iyo tiknoolojiyadda waxsoosaarka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan barashada cilmiga la xiriira beeraha si ay u noqdaan jiil horumariya waxsoosaarka dalka.
Shirweynaha ayaa la filayaa inuu kor u qaado wadashaqeynta dowladda, ganacsatada iyo beeraleyda, iyadoo lagu hagayo istaraatijiyad qaran oo wax ku ool ah, sida uu sheegay wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye.




