Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo Galay Maalintii Labaad

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa galay maalintii labaad, iyadoo xubnaha Golaha ay sii wadaan wadatashi ku saabsan arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda, iyo xoojinta dowladnimada.

 

Kulanka oo ka socda Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, SSC-Khaatumo, Koonfur Galbeed iyo duqa Muqdisho.

Waxaa la filayaa in shirka uu soo gabagaboobo maalmaha soo socda, iyadoo la rajeynayo in go’aanno muhiim ah laga gaari doono arrimaha la xiriira xasiloonida dalka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa qaab-dhismeedka federaalka ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhexmara dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in shirka laga soo saaro bayaan ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka, gaar ahaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran oo Puntland iyo Jubaland qaadaceen, ayaa muhiim u ah dejinta qorshayaal waxtar leh oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo ay ka go’an tahay in la helo xalal waara oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here