MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxyo nuuca miinada dhilka kagu aaso oo sababay qasaaro kala duwan ayaa ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ka dhacay Yaaqshiid ayaa la sheegay in uu ahaa miino lala eegtay Askar ka tirsan Nisa, waxaana jira qasaaro kala duwan.
Qaraxa kale ee Wadajir ayaa ka dhacay Waaxda Xalane ee degmada Wadajir waxaana jugtiisa oo cusleyd laga wada maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Wadajir.
La soco faahfaahino kale oo dheeraad.




