MUQDISHO, Soomaaliya – Roobab xooggan oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed, iyadoo saameynta ugu weyn ay ka muuqatay xaafadaha Ceelqalow ee degmada Wadajir iyo degmooyin kale.
Wararka ayaa sheegaya in roobka iyo daadadka ka dhashay ay ku ku dhinteen in ka badan 10 qof, iyadoo ay burbureen guryo ay deganaayeen dad rayid ah, waxaana geerida ugu badan ay ka dhacday guryo qadiimi ah oo soo dumat, halkaas oo ay ku dhinteen dad isku qoys ah, sida haweeney da’ ah iyo gabar ay ayeeyo u ahayd.
Sidoo kale, roobka ayaa saameyn ku yeeshay barakacayaal ku nool guryo cooshad iyo bac ah, kuwaas oo daadadka roobka ay guryahooda galeen, isla markaana kistii yareed ee cunno ay haysteen ay la tagtay. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay dareemayaan baahi iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay roobka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la kulmaya eedeymo, waxaana dadka deegaanka ay ka codsanayaan in la sameeyo qorsheyaal lagu maareynayo roobabka iyo daadadka si looga hortago musiibooyinka noocan oo kale ah mustaqbalka.
Roobabkan ayaa sidoo kale sababay in wadooyin waaweyn ee Muqdisho ay xirmaan, taasoo keentay in gaadiidku ay ku adkaato isu socodka magaaladda.
Dadka reer Muqdisho ayaa ka digaya in haddii aan la sameynin qorsheyaal waxtar leh oo lagu maareynayo roobabka, ay sii kordhi karto khatarta musiibooyinka noocan oo kale ah.
Waxaa muhiim ah in maamulka iyo hay’adaha samafalka ay ka shaqeeyaan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen roobabka, isla markaana loo sameyn lahaa qorsheyaal waara oo lagu yareynayo saameynta musiibooyinka.



