Duqa Muqdisho: “11 Qof Ayaa Ku Dhintay Roobabkii Ugu Xooganaa 9 Sano ee la soo dhaafay”

0

Muqdisho – Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen roobabkii xooganaa ee ka da’ay caasimadda iyo nawaaxigeeda, isagoo xusay in roobkan uu yahay kii ugu culusaa ee magaalada ka da’a muddo 9 sano ah.

 

“11-qof ayaa ku dhintay roobabka. Muddo 9 sano ah roob sidan oo kale ah lama arag,” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo la hadlay warbaahinta xilli uu kormeer ku marayay xaafado uu saameeyay roobka.

Roobabkan ayaa sababay daadad xooggan, burburka guryo iyo xarumo ganacsi, iyo dhibaatooyin kale oo ay la kulmeen qoysas danyar ah oo ku nool qaybo badan oo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in roobabku hakad galiyeen isu socodka gaadiidka iyo howlaha ganacsi ee suuqa Bakaaraha iyo meelo kale.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan gurmad degdeg ah oo lagu caawinayo qoysaska barakacay, loona samaynayo xalal waqti-gaaban oo looga hortagayo saameynta roobabka sii socda.

Duqa Muqdisho ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladda dhexe, hay’adaha samafalka iyo bulshada caalamka in laga qeyb qaato dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen roobabka, si looga hortago masiibo bani’aadamnimo oo hor leh.

Roobabkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu wajahayo cimilad isbeddel leh iyo caqabado la xiriira fatahaado iyo abaaro isbedbedelaya.

Halkan ka daawo Gudoomiyaha hadalkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here