Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan Horumarinta Beeraha

0

Baku, Azerbaijan – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kula saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Majnun Mammadov, heshiis is-afgarad (MoU) oo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhanka beeraha.

 

Heshiiskan cusub ayaa diiradda saaraya iskaashi ballaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, horumarinta cilmi-baarista, iyo taageeridda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlan wax-soosaarka.

Is-afgaradkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah iyo khibradaha caalamiga ah.

Intii ay ku sugnaayeen Baku, Wasiir Maareeye iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumaha cilmi-baarista beeraha, iyo machadyada tiknoolajiyadda ee ku shaqada leh cilmiga carada iyo kiimikada beeraha.

Azerbaijan, oo loo arko hormuudka horumarinta tiknoolajiyadda beeraha ee gobolka, ayaa la filayaa inay noqoto lamaane istiraatiiji ah oo beeraleyda Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan si loo gaaro is-ku filnaansho dhanka cunnada ah.

May be an image of 2 people and daisMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 people and table

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here