Shacabka Muqdisho oo bixiya Malaayiin Dollar Canshuur Ah Oo Waxba Loogu qaban

0

Muqdisho, 13 May 2025 – Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeynaya dib-u-soo celinta bilicda caasimadda iyo furista waddooyinka, kaddib roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay kaabayaasha isku socodka iyo bilicda magaalada.

 

Howlwadeennada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda oo kaashanaya maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay qaadista biyihii roobka ee fariistay waddooyin muhiim ah, iyagoo dib u soo celiyay nadaafadda iyo bilicda waddooyinkaasi, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale, waxaa si xowli ah ku socda qorshaha lagu soo afjarayo shaqooyinka nadaafadda iyo bilicda waddooyinka harsan ee magaalada Muqdisho, iyadoo la wado dib-u-hagaajin iyo dib-u-dhis lagu sameynayo waddooyinkii uu burburka ka soo gaaray roobabka.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Muqdisho ayaa si joogto ah ugu xisaabtamaya dowladda malaayiin dollar oo canshuur ah bil kasta, iyadoo adeegyada aasaasiga ah ee muhiimka ah sida wadooyinka, waxbarashada iyo caafimaadka aan si dhab ah loogu qabin.

Xitaa iyadoo ay jiraan canshuuro badan oo laga uruuriyo shacabka, weli adeegyada bulshada ee muhiimka ah ayaa ka maqan, taasoo keentay cabashooyin badan oo ka imaanaya dadka Muqdisho, kuwaas oo codsanaya in canshuuraha la bixiyo ay si toos ah ugu fidiyaan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku adkeysanaya in dadaallada ay wadaan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada, si shacabka Caasimaddu u helaan adeegyo nololeed oo tayo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here