Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka

0

MUQDISHO – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay loo doortay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadeed ee cusub Caddaaladda iyo Wadajirka, xilli ay taagan tahay xaalad kala guur ah oo siyaasadeed, iyo muran ballaaran oo ka taagan jihada uu dalku u socdo.

 

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka xisbiga ayaa si adag u weeraray madaxda qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, isagoo ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin horumarka dalka. Wuxuu sheegay in xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda xukuumaddiisa ay “hagar daaminayaan qorshe kasta oo dalka hore u sii dhaqaajin lahaa.”

“Qof kasta oo danaha ummadda Soomaaliyeed kasoo horjeeda waa cadow nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo si gaar ah u duray madaxda Puntland iyo Jubbaland – maamullada sida muuqata ugu adag siyaasadda dowladda dhexe.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uu cirka isku sii shareerayo. Maamuladan ayaa si cad uga horyimid isbeddelada dastuuriga ah iyo qaabka ay dowladda u wajaheyso doorashooyinka soo socda.

Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, oo lagu dhawaaqay xalay magaalada Muqdisho, ayaa si buuxda ay u taageersan yihiin xubnaha daacadda u ah Madaxweyne Xasan Sheekh. Xisbiga ayaa loo arkaa mid lagu dhisayo saldhig siyaasadeed oo u suurtagelin kara Madaxweyne Xasan Sheekh inuu sii xoojiyo awooddiisa siyaasadeed kahor doorashooyinka 2026.

Mucaaradka ayaa dhankooda ku eedeeyay Madaxweynaha inuu isku dayayo inuu dalka ku hoggaamiyo hannaan kaligii-talisnimo ah, iyadoo la xasuusan yahay in hoggaamiyaha xisbiga cusub sidoo kale uu yahay Madaxweynaha dalka, islamarkaana uu magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, oo horey u ahaa madaxa ololihiisa doorashadii 2022.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo bulshada caalamka iyo daneeyayaasha gudaha ay si dhow u eegayaan sida ay wax u socdaan, gaar ahaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here