Jubaland oo War-saxaafadeed kaso saartay xaalada cakiran ee dalka uu wajahayo

0

KISMAAYO, Soomaaliya – Maamulka Jubaland ayaa ka hadlay xisbiga JSP ee habeen hore looga dhawaaqay Muqdisho, kaasoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh gudoomiye ka noqday.

 

“Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in wixii ka dhacay Muqdisho ay muujinayaan xilkasnimo-darrada maamulka Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu dalka ku jiro halis amni oo xooggan, haddana isku diyaarinayo xukun kalitalis ah iyo xisbi lamid ah kiikacaan, ootabar badan lahayd,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeedka Jubaland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Axmed Madoobe ayuu ku sheegay in la baalmaray doorkii Labada Aqal ee Baarlamanka isagoo ugu baaqay saamilayda siyaasada in ay badbaadiyaan dalka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here