Muqdisho, 15 May 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taallada Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, taas oo ku taalla magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb qaato xuska maalinta taariikhiga ah ee 15-ka May, oo loo asteeyay xuska halgankii gobannimo-doonka ee dhallinyaradii Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa munaasabaddan qiimaha badan uga mahadceliyay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku ammaanay kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta dalka, ilaalinta amniga, iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
Intii uu ku sugnaa Taallada, Madaxweynaha waxa uu duco iyo xus u sameeyay 13-kii dhallinyaro ee aasaasay Ururka SYL, kuwaas oo door weyn ka qaatay halgankii loogu jiray xornimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay geesinimada, midnimada iyo aragtidii fogayd ee dhallinyaradaas horseedka u noqday dowladnimada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka, iyo ilaalinta dowladnimadooda, isagoo xusay in qiyamkaas ay yihiin tiirarkii uu ku dhisnaa halgankii SYL.










