MUQDISHO, 17 May – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Sarreeye Guud Sam Okiding, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda.
Sarreeye Guud Okiding ayaa lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab, kuwaas oo caqabad ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.
Soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee adag ee u dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muuqata ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.
Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horeeyay oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya 2007, iyadoo hadda ay qeyb ka yihiin howlgalka 3aad ee AUSSOM, kaasoo bishii January 2025 ka billowday dalka, iyadoo uu wajahayocaqabado dhaqaale.










