AFRICOM oo joojisay shaacinta khasaaraha duqeymaha ka dhaca Soomaaliya

0

WASHINGTON – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in uu si ku-meel-gaar ah u joojinayo faafinta faahfaahinta ku saabsan khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

 

Go’aankan ayaa yimid iyadoo maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uu weli dejinayo siyaasaddiisa ku aaddan howlgalka militari ee Soomaaliya.

Tan iyo markii Trump xafiiska la wareegay bishii January 2025, Mareykanka ayaa qaaday ugu yaraan 24 weerar oo duqeyn ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda ISIS ee Puntland iyo al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sanadihi hore, AFRICOM waxay si joogto ah u shaacin jirtay tirada dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeymaha ay fuliyaan, balse markii eedeymo iyo cadaadis kala kulmen hay’adaha xuquuqda aadanaha ay wax ka bedeleen siyaasadaas.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedyadii ugu dambeeyay ee AFRICOM ayaa laga reebay xogta khasaaraha, iyadoo talisku sheegay in aysan hadda shaacin doonin “faahfaahinta gaarka ah”. Afhayeenka AFRICOM, ayaa sheegay in tani tahay tallaabo ku-meel-gaar ah ilaa siyaasadda cusub ee maamulka Trump la dejinayo.

AFRICOM ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto daabacaadda warbixin saddexdii biloodba mar ee la xiriirta khasaaraha shacabka Soomaaliyeed kasoo gaaraya duqeymaha diyaaradaha drones-ka, kuwaasoo ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here