Aadan Barre Ducaale oo Ka Hadlay Awoodda Soomaalida Geeska Afrika iyo Caalamka

0

Nairobi, Kenya – Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa khudbad kulul oo uu ka jeediyay munaasabad dadweyne ku tilmaamay awoodda weyn ee bulshada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Geeska Afrika iyo dunida inteeda kale.

 

Wasiirka ayaa hadalkiisa si gaar ah ugu wajahday Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, oo dhowaan si cad u dhaliilay saameynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaalida Kenya.

“Soomaalida Geeska Afrika waa 40 milyan. Dadka ugu badan ee Geeska waa Oromada, laakiin waxaa xiga Soomaalida. Haddii aad Canada tagtid, Wasiir Soomaali ah ayaa kusoo dhoweynaya, Congress-ka Mareykanka waan ku jirnaa,” ayuu yiri Wasiir Ducaale isagoo xusay in Soomaalida aysan ahayn dad meel kasta marti ku ah.

Wasiir Ducaale ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Haddii aad qabiilka Kikuyada Google-ka ka raadisid, dhibic ayay kayihiin. Kenya qof qof kale marti uga maaha.”

Hadalkan ayaa yimid xilli ay cirka isku sii shareereyso doodda ku saabsan doorka ay Soomaalida ku leeyihiin siyaasadda gudaha ee Kenya. Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, oo si weyn u ololeeya xaddidaadda saameynta Soomaalida, ayaa horey uga digay in Soomaalida ay “halis” ku yihiin mustaqbalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Kikuyada – taas oo si adag loogu cambaareeyay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha.

Soomaalida Kenya ayaa ah bulsho si weyn ugu dhex milantay dalka, gaar ahaan waqooyiga Kenya iyo magaalada Nairobi. Waxay leeyihiin ganacsiyo ballaaran oo qeyb weyn ka qaata dhaqaalaha dalka. Intaa waxaa sii dheer, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhowaan guryo si rasmi ah u siiyay ku dhowaad kun qoys oo Soomaali ah, taas oo si weyn loogu amaanay dowladdiisa dhex dhexaadnimadeeda.

Intii uu socday qaxii weynaa ee 1990-meeyadii, markii ay Itoobiya kusoo dhawaaday magaalada Muqdisho, waxaa Kenya u qaxay kumannaan Soomaali ah oo markii dambe halkaas deegaan rasmi ah ka dhigtay.

Qaar badan oo ka mid ah ayaa maanta ka tirsan ganacsatada ugu tunka weyn dalka, halka kuwo kalena ay ku jiraan siyaasadda, maamulka dowliga ah iyo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah.

Hadalkan ka yimid Wasiir Ducaale ayaa u muuqda mid ujeeddadiisu tahay in la muujiyo in Soomaalida aysan ahayn bulsho la iska yaso, balse ay yihiin dad leh karti, dadaal iyo saameyn muuqata – gudaha Kenya iyo caalamkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here