MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Xasillinta oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ciidamada dowladda ay wadaan hawlgallo xooggan oo lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya xasillinta deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, iyo sidii loo mideyn lahaa fariimaha iyo wacyigelinta bulshada si loo jabiyo borobogaandada kooxaha kasoo horjeedo dowladda.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa bixiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha milateri ee la gaaray iyo wejiga cusub ee ololaha qaran ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Wuxuu caddeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay ka go’an tahay inay sii wadaan dagaalka ilaa laga cirib tiro khatarta argagixisada.
Wasiir Fiqi ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha xubnaha ka ah guddiga in ay xoojiyaan iskaashiga iyo isku-duwidda warbaahineed si loo muujiyo guulaha ciidamada iyo in la fashiliyo beenta iyo marin-habaabinta ay faafiyaan kooxaha xagjirka ah.
“Midnimada fariinta dowladda waa furaha lagu kasban karo kalsoonida shacabka iyo dhismaha nabad waarta,” ayuu yiri Fiqi.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay dardargelisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaysa ciidamada deegaanka iyo taageerayaal caalami ah, si dib loogu soo celiyo gacan-ku-haynta deegaanno badan oo ay muddo dheer ka talinayeen kooxaha argagixisada.




