Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul u cambaareeyay xarigga suxufiyiinta Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay xarigga sharci-darrada ah ee ciidamada ammaanka Muqdisho kula kaceen shalay suxufiyiin iyo dad rayid ah oo ka qaybgalayay ra’yi ururin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso in rajiimka talada haya uu si ula kac ah u beegsanayo warbaahinta, islamarkaana uu cabburinayo xoriyadda hadalka oo ah tiir-dhexaad u ah isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa xarigga sharci-darrada ah ee ay ciidamada ammaanka Muqdisho kula kaceen suxufiyiin iyo dadweyne aragtidooda kaga qaybqaadanayey ra’yi ururin ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Tani waxay caddayn u tahay in rajiimka talada haya si ku tala gal ah u beegsanayo warbaahinta, unna cabburinayo xoriyadda hadalka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanku wuxuu ugu baaqay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh in uu joojiyo cabsigelinta iyo beegsiga suxufiyiinta, isagoo ku adkaystay in xoriyadda ra’yiga ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee uu dastuurku dammaanad qaaday.

Wariye iyo muuqaal-duube katirsan Warbaahinta Shabelle ayaa kamid ahaa suxufiyiinta shalay mudada kooban ay xireen ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay isa soo tarayaan cabashooyinka ku saabsan xadgudubyada lagula kaco warbaahinta iyo shacabka ka dhiibanaya aragtidooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here