Aadan-yabaal, Shabellaha Dhexe – Wararka ay warbaahinta Shabelle Maanta ka helayso Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay mar kale galeen deegaanno hoos taga degmada Aadan-yabaal, taasoo cabsi iyo qalqal ku abuurtay shacabka ku nool deegaankaasi.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay kordhiyeen joogitaankooda Aadan-yabaal, isla markaana ay la yimaadeen hub aad u fara badan, taasoo muujinaysa isu diyaarin dagaal ama joogitaan muddo dheer ah.
Dhinaca kale, maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo culus ka socdeen xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Bariga Hiiraan iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa tan iyo bilowgii sannadkan lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa ammaanka gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaas oo ay horey uga saartay kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa wali kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay dalbanayaan gurmad degdeg ah iyo in dowladda ay dib u hanato goobaha ay dib ugu soo laabteen Al-Shabaab.
Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa la wareegtay degmada Aadan Yabaal, oo qiyaastii 220Km dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho kadib weerar culus oo ay ku qaadey xili uu halkaasi ku sugnaa taliyaha Ciidamada militeriga Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.




