DFS oo loo jeediyay Eedeymo Caddaalad Darro oo Ku Saabsan beddelka Taliyeyaal Ciidan

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan isbeddel ballaaran ku sameysay talisyo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda, taasoo dhalisay cabasho xooggan oo ka timid qaar ka mid ah beelaha ku saleysan nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

 

Isbeddelka lagu sameeyay hay’adaha amniga ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha xilalkii laga qaado, qaar la magacaabo, halka kuwo kalena lagu eedeeyay in lagu sameeyay xil ka qaadis iyo awood-dhimis isla markaana la bahdilay.

Talisyada ugu waa weyn ee isbeddelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah taliyaha ku xigeenkii qaybta guud ee Booliska oo la bedelay, waxaana booskiisa loo magacaabay taliyihii qaybta galbeed.

Sidoo kale waxaa xil laga qaaday taliyeyaasha qaybo muhiim ah oo ay ka mid yihiin bartamaha, bariga, iyo cutubka Haramacad, halka taliyaha ku xigeenka Haramacadna laga qaaday xilka. Waxaa sidoo kale la bedelay taliyeyaasha degmooyinka qaar sida Warta Nabadda, Hodan, Shibis, Garasbaaley, iyo Kaxda.

Dhinaca hay’adda Nabad Sugidda, isbeddelka ayaa saameeyay degmooyin badan oo gobolka Banaadir ka tirsan sida Wadajir, Cabdi Casiis, Waaberi, iyo Shibis.

Isbeddelkan ayaa si weyn u kiciyay dareenka siyaasadeed, iyadoo qaylo-dhaan xooggan laga maqlayo beelaha qaar ee ka tirsan nidaamka 4.5, kuwaas oo sheegay in la baal maray sinnaanta iyo wadaagga awoodda ee lagu heshiiyay.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa si adag u dhaliilay isbeddelka, isagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaya caddaalad-darro iyo takoor siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in isbeddelkan aanu ku saleysneyn nidaamka 4.5, islamarkaana xilalka lagu koobeen qoysas gaar ah, isla markaana saraakiil xilalkii laga qaaday loo muujiyay maamuus la’aan.

Weli ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka oo ku aaddan eedeymaha la xiriira caddaalad-darro iyo xulasho beeleed, balse arrintan ayaa noqon karta mid sii hurisa xiisadda siyaasadeed ee gudaha gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here