Xawaadley, Shabeellaha Dhexe – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo habeenkii xalay lagu xiray gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley, kaasoo ka dhacay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo kale, dhammaantood ka tirsan ciidanka deegaanka ee gobolka.
Weerarkan oo khasaarihiisa sii kordhaya, ayaa kusoo beegmaya xilli uu gobolka ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya dagaalyahanada Macawiisley iyo kooxda Al-Shabaab.
Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada deegaanka ayaa la wareegay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyadoo haatan ay ku wajahan yihiin degmada Aadan Yabaal – oo 220-KM dhanka waqooyi uga beegan Caasimadda.
Degmada Aadan Yabaal ayaa dhowaan la wareegay Al-Shabaab kadib dagaal xooggan oo ay la galeen ciidanka dowladda, waxaana ciidamada deegaanka ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay mar kale dib ugu soo celiyaan gacanta dowladda.
Ciidamada deegaanka ee Macawiisley ayaa door weyn ka ciyaaraya la-dagaallanka Al-Shabaab ee gobollada dhexe, hase yeeshee weerarrada noocan oo kale ah ayaa muujinaya khatarta ay weli la kulmayaan.




