WASHINGTON — Dowladda Maraykanka ayaa si aan caadi ahayn u muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu siyaasadda gudaha ka hormarinayo dadaallada lagu wajahayo kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.
“Waxaan ka walaacsannahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doorbidayo arrimaha siyaasadda gudaha halkii uu xoogga saari lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xilli khatartu sii korodhay,” ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykan ah oo la hadlay wargeyska The Washington Post.
Hadalkan oo aan horay looga baran maamulka Trump ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah ay hareeyeen Muqdisho, halkaas oo ay dowladda Federaalka la tacaalayso dhaliilo ku saabsan qaabka loo maareeyay amniga, doorashooyinka, iyo wada-shaqeynta hay’adaha.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay weli ka go’an tahay inay la shaqeyso ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan dalka.
“Waxaan sii wadi doonnaa wada-shaqeynta dhow ee aan la leenahay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Ilaa hadda, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin hadalkan kasoo yeeray Aqalka Cad iyo saraakiisha Maraykanka.




