Muqdisho – Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay meel qiyaastii 40 meel waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.





