Shirka Hogaamiyeyaasha Mucaaradka oo Maalintii Labaad Ka Socda Muqdisho

0

Muqdisho – Waxaa maalintii labaad si rasmi ah uga socota magaalada Muqdisho shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha mucaaradka dowladda Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa guddoomiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, iyo mustaqbalka dalka.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo furay shirka, ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in inkastoo maanta xubnaha shirku ay kooban yihiin, haddana ay tahay bilowga talaabooyin waaweyn oo lagu hagaajinayo siyaasadda dalka.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga hadlay doorashada qof iyo codka, isagoo carabka ku adkeeyay in doorashadu ay tahay wax wanaagsan, balse muhiim tahay in la helo isfaham iyo wada ogolaansho lagu tixgalinayo Dastuurka dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shirka ku tilmaamay mid Soomaaliyeed oo ka tarjumaya badbaadada shacabka, isla markaana loogu talagalay in lagu saxo maamulka dowladda. Wuxuu cadeeyay in mar walba taageero u hayay nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah, balse muhiim tahay in la raaco hanaan sax ah oo waafaqsan sharciga iyo waajibaadka.

Shirkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo saaro war murtiyeed uu mucaaradku kaga hadlo arrimo badan oo la xiriira siyaasadda dalka, amniga, iyo doorashooyinka. Waxaa kaloo la filayaa in shirku doorto hoggaanka rasmiga ah ee mucaaradka, iyada oo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal, iyo xubno kale oo xildhibaano iyo wasiirro hore ah.

Shirka ayaa noqonaya mid ka mid ah dadaallada mucaaradku ku doonayaan inay siyaasadda Soomaaliya ku soo bandhigaan aragtiyo iyo xalal cusub oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee dalka. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda shirku sii socdo, isla markaana uu horseedo isbadal siyaasadeed oo la taaban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here