Madaxweynaha oo warqadaha ka gudoomay safiirka Cusub ee Ingiriiska

0

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

 

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo amniga.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Safiir Charles King. Danjiruhu wuxuu dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweynta milgaha leh iyo qaabilaadda diirran ee loo sameeyey.

May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and the Oval OfficeMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here